Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo soo saaray War Saxaafadeed Digniin ah (Akhriso)

Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka Soomaaliya ayaa soo saaray War Saxaafadeed ku Saabsan soo Saaridda iyo Dhoofinta Dhuxusha, waxaana Xeer Ilaalina Digniin adag u dirtay Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku howlan dhoofinta Dhuxusha Sharci darada ah.

Warka kasoo baxay Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa lagu sheegay in Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranku uu baaris ku hayo fal-danbiyeedka dhoofinta Dhuxusha, waxaana Xeer ilaalinta sheegtay in lagu daba jiro dad ka ganacsada Dhuxusha

Halkan ka Akhriso War Saxaafadeedka kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaalinta

ď‚· saaridda iyo dhoofinta dhuxushu waxay saamayn laxaad leh ku leedahay xaalufinta deegaanka, waxayna il wayn oo dhaqaale u tahay argagixisada.

 Dhoofinta dhuxusha waa fal-dambiyeed lagu ciqaabi karo Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, waxaana lagu mamnuucay Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay S/RES/2036 (2012) ee ku saabsan mamnuucidda, dhoofinta iyo soo dejinta dhuxusha Soomaliyeed si dadban ama si toos ah xataa haddii aanay dhuxushaasi Soomaaliya toos uga imaanin.

ď‚· Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranku wuxuu baaris ku hayay fal-danbiyeedkaa foosha xun, wuxuuna isagoo la kaashanaya INTERPOL ku dhawyahay in la soo qabto xubno ka ganacsada soo saaridda iyo dhoofinta dhuxusha.

ď‚· Iyadoo taasi jirto ayaa haddana waxaa jira xog lagu kalsoon yahay oo sheegaysa inay dib u billaabatay soo saaridda iyo dhoofinta dhuxusha xeebaha Soomaaliya.

 Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka wuxuu uga digayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudahiisa ama dibaaddiisa kuna lug leh dhoofinta dhuxusha sharci darrada ah inay joojiyaan faldanbiyeedkaa waxayna wajahayaan ciqaabta ka dhalata fal-danbiyeedkaas sida ku xusan
Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

ď‚· Si arrintaa wax looga qabto Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa la kaashanaya Booliska Soomaaliyeed guud ahaan iyo ka Dawlad-Goboleedka Jubaland gaar ahaan.

 Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka wuxuu ka digayaa in doomaha iyo maraakiibta lagu raro dhuxusha in lala wareegayo iyadoo loo marayosida ay qabaan shuruucda dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -