Jen. Biixi oo shaaciyey tirada Al-shabaab looga dilay dagaalkii ka dhacay Miiroon

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jen. Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay si buuxdo ula wareegeen gacan ku heynta degaanka Miiroon oo ku yaalla woqooyiga degmada Xarardheere.

Jen Biixi ayaa intaas ku daray in jab weyn la gaarsiiyay kooxda Shabaab, lagana laayey dagaalyahano badan ka dib howlgal maanta Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ay ka fuliyeen degaankaas, isagoo tilmaamay in 73 dagaalayahan laga dilay kooxda Shabaab.

“Dagaal 9:00 subaxnimo bilawday oo ka dhacay deegaano ay ka mid yihiin Miiroon iyo Baraagta Hurdaaye oo ay ka qeyb qadanayeen diyaaradaha dagaalka Saaxiibada Caalamka ayaa lagu dilay 73 ka mid ah Shabaab deegaanada Miiroon iyo Baraagta Hurdaayana ciidanka ayaa la wareegay walina baacsi ayaa lagu sii haya kooxdii ku sugneyd deegaanadaas” ayuu yiri Jen. Biixi.

Barqanimadii maanta ayay aheyd markii dowladda Soomaaliya ay shaacisay in Al-shabaab mudo todobaad gudahood ah howlgalo ka dhaca Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland looga dilay dagalamayaal gaaraya 323 xubnood.

Xarardheere oo dhawaan ciidanka dowladda la wareegeen ayaa aheyd Saldhigii ugu weynaa Shabaab ee deegaanada gobolka Mudug, waxaana ciidamada dowladda ay wali howlgalo ka dhan ah kooxdaas ay ka wadaan deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud.

- Advertisement -