DEG DEG: Fiqi oo iska casilay xilka Wasiirka amniga Galmudug, kana hadlay sababta

Wasiirka amniga Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa goor dhow shaaciyey inuu iska casilay xilka

Fiqi oo qoraal soo dhigay bartiisa facebook ayaa sidoo kale shaaciyey sababta uu isku casilay.

HOOS KA AKHRISO QORAAL UU SOO SAARAY

Maantay waxaan madaxweynaha Galmudug u gudbiyey iska casilaadaydii xilka wasiirka amniga Galmudug, ka dib markii aan isla fahmi weynay qaabka loo wajahayo khilaafka isaga iyo ASWJ u dhexeeya, ee uu  asagu doortay wadada dagaalka iyo colaad Galmudug ku reebaysa mahadhooyin danbe, asagoo adeegsanaya ciidamo Muqdisho laga soo daadgureeyey kuwaasoo wax talo ah mas’uuliyiinta GM ama wasaaradda amnigu aysan ku lahayn, aniguna aan u soo jeediyey wadada wadahadalka iyo dagaal la’aantu in ay ka sahlan tahay, ka dhib yar tahay, kana guul badan tahay middaas iyo sidoo kale in argagixisada Shabaab la dagaalankooda aan xoogga saarno una jihayno gulufka socda dhankooda.

Wixii faahfaahin ah waxaan ku sheegi doonaa  shir jaraa’id oo aan dhowaan qaban doono ugana hadli doono xaaladda cakiran ee Galmudug ka taagan, fariinna aan ugu diri doono waxgaradka Galmudug ee samaha jecel.

Waxaan si guud ugu mahadcelinayaa hey’adaha Dawladda Galmudug iyo madaxdooda, shacabka dulqaadka badan, si gaar ah hawlwadeenada wasaaradda amniga iyo ciidamada qaranka iyo kuwa daraawiishta Galmudug ee aan sida wanaagsan u soo wada shaqaynay ee qaarkood ku sugan yihiin dhufaysyada hore ee argagixisada lagula dagaalamayo,  iyo  sidoo kale deeq bixiyaasha Soomaaliya iyo hey’adaha caalamiga ah oo si weyn noo garab taagnaa.

Allaha ilaaliyo Galmudug & dadkeeda.

Axmed Macalin Fiqi

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -