Allbanaadir.com
NEWS

Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho iyo ruuxii ka dambeeyay oo la qabtay (Sawirro)

Qarax hoosta looga xiray gaari yar oo nuuca raaxada ah ayaa maanta ka dhacay agagaarka Shineemo Soomaaliya ee degmada Waabari, qaraxan ayaana jugtiisa laga maqlay xaafado katirsan Muqdisho.

Gaariga qaraxa lagu xiray ayaa la sheegay in uu yaalay guri hortiisa, waxaana gaariga uu qarxay xili aysan cidna saarneyn, mana jiro wax khasaaro nafeed ah oo ka dhashay qaraxan gaariga lagu xiray.

Warar soo baxaya ayaa sheegaa in ciidamada amaanka qabteen ruuxii qaraxa ku xiray gaariga, waxaana goobjoogayaal ku warameen in dhalinyaro baabuurta dhaqda ku wargaliyeen ciidamada amaanka ruuxa qaraxa ku xiray gaariga.

Laamaha amaanka ayaan wali ka hadlin qaraxan gaariga lagu xiray ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho iyo wararka sheegaa in ay ciidamada qabteen ruuxii qaraxaasi ka dambeeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo caawa shaacisay dadkii ugu badnaa ee laga helay COVID-19

Caydiid Ali

Deni oo hal arrin uga mahad celiyey Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha shacabka (Sawirro)

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Waan Waan laga dhax waday Ahlu Sunna iyo Galmudug oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---