Ciidamada Amaanka oo Muqdisho ku toogtay Nin hubeean oo dhaawacay askari

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in Isgooska Bakaaraha magaalada Muqdisho ku dileen nin hubeesan oo dhaawac u geestay askari katirsanaa ciidanka booliiska.

Sida aan Wararka ku helnay labo nin hubeesan oo la socday mooto nuuca loo yaqaan Fekon ayaa rasaas ku furay ciidamada booliiska ee ka howlgala Isgooska Bakaaraha , waxa ayna dhaawac gaarsiiyeen askari booliiska katirsan.

Ciidamada booliiska ayaa la sheegay in dhankooda rasaas ku fureen ragii hubeesnaa waxa ayna goobtaasi ku dileen mid kamid labadii nin ee weerarka ka dambeeyay halka kii kalana la sheegay in uu baxsaday.

Goobta ciidamada amaanka ku toogteen ninka hubeesan ayaa waxaa gaaray saraakiil katirsan ciidanka booliiska kuwaa oo markii dambe meydka ninka la toogtay amray in loo qaado xarunta Dambi baarista CID-da.

 

- Advertisement -