Wararkii Ugu Dambeeyay Waan Waan laga dhax waday Ahlu Sunna iyo Galmudug oo…

Waan waan laga dhax waday maamulka Galmudug iyo kooxda Ahlu Sunna ee ku sugan magaalada Guriceel ayaa mar kale fashil kusoo dhamaaday, kadib markii labada dhinac soo bandhigeen shuruudo laga gudbi waayay.

Odayaal iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda Beesha Ceyr ayaa la sheegay in ay isku xil qaameen in xal u raadiyaan xiisada u dhaxeysa Maamulka Galmudug iyo kooxda Ahlu Sunna si looga fogaado dagaal labada dhinac dhax mara.

Sida aan wararka ku helnay kooxda Ahlu Sunna ayaa ka biyo diiday in ay si nabad galyo ah uga baxdo magaalada Guriceel sidoo kale maamulka Galmudug dib ugu celiso gaadiid dagaal ay dhawaan ka qabsadeen.

Xubnihii waday waan waanta ayaa u muuqda kuwa gacanta ka taagay in xal u helaan xiisada dagaal ee ka taagan magaalada Guriceel, waxa ayna mar kale ugu baaqeen labada dhinac in ay ka fogaadaan dagaal.

Xaalada magaalada Guriceel ayaa wali ah mid kacsan, waxaana jirta cabsi laga qabo in magaaladaasi ku dagaalamaan ciidamnada dowlada federaalka ee taageeraya Galmudug iyo ciidamada taabacsan Ahlu sunn aee magaaladaasi heesta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -