(Sawirro) Maamulka G/Hiiraan oo war ka soo saaray dagaal xalay ka dhacay Baladweyne

War-saxaafadeed ka soo baxay Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa looga hadlay dagaal xalay ka dhacay Magaalada Beledweyne, kaasoo dhexmaray Ciidamo la socday wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Sarkaal lagu Magacaabo Nuur Dheere.

Bismillahi Raxmaani raxiim
BELEDWEYNE:30:December:2021

Warsaxaafadeed

Xili ay saacada ku beegneyd abbaare 7:00pm Todobadii  fiidnimo Taariikhdana ay ahayd 30-ka December 2021 xili ay safar shaqo ka soo laabteen Degmada Feer-Feer Gudomiyaha Gobalka hiiraan Mudane Cali Jeyte Cismaan Wasiirka Tamarta iyo biyaha Maamulka Hirshabelle Taliyaha Guutada 5aad Taliyaha qeybta Booliska  Gobolka hiiraan iyo masĂ¹uliyiin ka tirsan Maamulka gobalka Hiiraan  oo ku guda jiray Howlahooda shaqada qaran ayaa waxaa Rasaas huwiyey Gaarigii ay saarnaayeen Maleshiyaad hubeysan oo u Hogaaminayay Shaqsi lagu magacaabo Nuur dheere.

iyadoo falalka noocan  oo kale ah ay caado u aheyd  kooxaha nabad diidka ah in kolanyo Dowladeed weerar lagu qaado waxuu ahaa fal-huwan Halistiisa waxaana la Horgeyn doona Maxkamada awooda u leh Cidii ka Dambeysay.

Falkaas kadib ciidamada qalabka sida iyagoo ka duulayo masuuliyada amni ee saaran iyo falka dhacay ee lagu weeraray masuuliyiinta ku Guda jiray gudashada waajibkooda shaqo waxay sameeyeen howlagal lagu soo afjaraayo   Burcadii Jidka u Gashay masuuliyiinta heer Maamul iyo heer wasiiro.

Waxaa lagu soo qabqabtay hub iyo Maleeshiyaadkii dagaalamayay.

Maamulka gobolka Hiiraan ee dowlad goboladeedka Hirshabelle  waxaa masuuliyad ay ka saaran tahay ka shaqeynta Amniga iyo xasiloonida guud ee Gobolka  cidna laga Aqbali Maayo Qal-qal Gelinta Amniga iyo xasiloonida magaalada Beladweyne .

Iyadoo hadda amniga Guud ee magaalada ay si buuxdo u ilaalinayan Ciidamada Qalabka Sida ee soomaaliyeed.

Madaxda sare ee  Maamulka Hirshabelle iyo Maamulka gobalka Hiiraan  waxuu Tacsi u Dirayaa shacabkii ay wax yeelado ka soo gaartay falkaas foosha xun inta dhaawaca ahne eebe cafmaad Taama ha siiyo

Wabillahi Toowfiiq

HOOS KA DAAWO MALEESHIYADA LA SOO QABTAY

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -