Madaxweyne Farmaajo oo loogu baaqay in Sharciga Doorashada ka saaro Qodobka 56-aad

Madaxweyne Farmaajo oo xalay khudbad ka jeediyay Munaasabad lagu xusayay 15-ka May ayaa shaaciyay in dowlada uu hogaamiyo aysan sameyn doonin wax mudo kororsi ah, waxa uuna balan qaaday in Doorashada Waqtigeeda ku dhaceyso.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakiir Warsame ayaa ka mahad celiyay hadalkan kasoo yeeray Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya oo ku aadanaa in dowlada uu hogaamiyo aysan mudo kororsi sameyn doonin.

Waxa uu xusay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur in Madaxweyne Farmaajo looga baahan yahay si shacabku u rumeeyaan hadalkiisa in Sharciga doorashada ee Xukuumada ansixisay ka saaro qodobka 56-aad.

”Madaxweynuhu wuu ku mahadsanyahay in uu shacabka Soomaaliyeed u balan qaaday in uusan muddo kororsi damac kaga jirin, maalina uu ku darsan doonin mudo xileedkiisa sharciga ah. Si loo aamino, shacabkuna u rumeeyo, madaxweynaha sharciga doorashada ee xukuumadiisu ansixisay ha ka saaro qodobka 56aad ee muddo kordhinta ka hadlaya” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Siyaasiyiinta iyo Xisbiyada Mucaaradka ayaa walaac ka qaba sharciga Doorashada ee dhawaan Xukuumada ansixisay, waxaana sharcigan ku jira qodobka 56-aad oo dhigaya in mudo kororsi la sameyn karo hadii ay dhacaan Musiibooyin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -