Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya aysan xoog ku raadineyn dhul badeed

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in aanu dalna ku duuli doonin, isagoo isku dayayey inuu damiyo walaaca ay ka qabaan waddamada deriska ah ee ah in uu awood u adeegsado sidii uu u heli lahaa deked badeed.

Abiy ayaa dhowaan sheegay in Itoobiya ay caddeyso waxa uu ugu yeeray xaqa ay u leedahay in dalka aan badda lahayn ay ku galaan badda cas intii suurtagal ah iyadoo loo marayo hab nabadeed.

“Itoobiya waligeed dal kuma soo duulin, hadda Itoobiya ma rabto inay dalna ku duusho,” ayuu yiru Abiy oo la hadlayey kumannaan askar ah oo isugu soo baxay caasimadda Addis Ababa si ay ugu dabaaldegaan xuska ciidanka qaranka.

Abiy waxa uu sheegay in Itoobiya aysan danaheeda ku fulin doonin xoog, wuxuuna sheegay in aysan xabad u adeegsan doonin shucuubta walaalahood ah la deriska ah Itoobiya.

Abiy ayaa dhowaan jeediyey hadal dood iyo buuq badan dhaliyey oo ahaa in Itoobiya xoog iyo xeelad mid ay ahaataba ay ku han weyn tahay iney hesho dhul badeed ay deked ka dhigato.

Related posts

Maxaa ka jira in Fahad Yaasiin loo fasaxay kursiga Hope086 ee horey looga hakiyey?

Caydiid Ali

(Sawirro) Maxay ka wada hadleen Qoor-qoor iyo Madaxda Xisbiyada Mucaaradka?

Caydiid Ali

Dowladda oo soo saartay Digniino la xiriira Khataro ka dhalan kara Roobab ka da’aya gobolada…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---