Allbanaadir.com
NEWS

War Deg Deg Ah : In ka badan 190 Xildhibaan oo hada kulan ku leh Muqdisho

Waxaa goordhaw Hotelka SYL ee kuyaala agagaarka xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kulan uga furmay Xildhibaano tiro badan oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ,kuwaa oo kasoo horjeeda Siyaasada Gudoomiye Jawaari.

Xildhibaanadan kulanka ku leh Hotelka SYL ayaa gaaraya sida aan wararka ku helnay 193-Xildhibaan, waxa ayna Xildhibaanadan yihiin kuwii dhawaan mooshinka ka gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanadan kulanka ku leh magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay taageersan yihiin mooshinka laga Gudbiyay Gudoomiyaha Baralamaanka, waxa ayna mar kale ugu baaqeen in uu is casilo Jawaari.

Mid kamid ah Xildhibaanada kulanka ka qeyb galaya ayaa noo sheegay in Xildhibaanadan ay ugu baaqayaan Gudoomiyaha in uu ilaashado sharaftiisa isna casilo kahor inta aan codka kalsoonida lagala nqon.

Xildhibaanada ayaa khudbado u badan kuwa lagu weerarayo Gudoomiyaha Baarlamaanka waxa ay hada ka jeediyanayaan kulanka ay ku leeyihiin Hotelka SYL , waxaana la filayaa gabo gabada kulanka in ay war saxaafadeed soo saaraan.

Kulankan loga soo horjeedo Gudoomiye Jawaari ayaa u muuqda mid lagu lagu muujinayo cududa iyo tirada Xildhibaanada Mooshinka saxiixay iyo kuwa taageersan in xilka laga qaado Gudoomiyaha Barlamaanka.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkaaga dambe Insha Allah

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo la kulmay Ganacsato kasoo jeeda Galmudug (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiirka Gaashaandhiga oo qodobo Muhiim ah kala hadlay wafdi ka socday Turkiga (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowladda oo Shaacisay in howlgalo lagu khaarijiyay 30-xubnood oo katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---