Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiirka Gaashaandhiga oo qodobo Muhiim ah kala hadlay wafdi ka socday Turkiga (Sawirro)

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Cali (Amar-dambe) ayaa maanta Xafiiskiisa kulan kula qaatay Wafdi ka socday Wasaaradda Difaaca dawladda Turkey.

Wasiirka ayaa wafdigaasi ka socday Turkiga waxa uu kala hadlay Kordhinta Tababarka la siiyo Saraakiisha iyo Saraakiil Xiggeenada Ciidanka Soomaaliya, Kordhinta Taageerada Milatari iyo arrimo kale.

“Waxaan Maanta kula kulmay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Xubno ka Tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Dalka Turkiga Waxaan ka wada hadalnay Kordhinta Saraakiisha ,Saraakiil Xigeenada iyo Ciidamada Dowladda Turkiga Tababarka Siiyaa”  Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga XFS.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Cali ayaa sheegay in Wafdiga ka socda Wasaaradda Difaaca Turkiga uu ka dhageystay Warbixin ku aadan Xaaladda Ciidanka Soomaaliya ka socda ee tababarka ku qaadanaya dalkaasi.

“Waxaan ka dhageystay Sidoo kale warbixin ku aadan xaalada ay ku suganyihiin Ciidamada Tababarka u jooga dalka Turkiga Waxay ii sheegeen in Dhalinyaro firfircoon ay yihiin oo waxbartay iyo in uu muuqdo dib-u-kabasho dhanka ciidanka ah” ayuu yiri Wasiir Xasan Maxamed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

(Daawo Sawirro) Olole cusub oo caawa laga bilaabay Wadooyinka Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

DF oo sheegtay in Howgal qorsheysan lagu dilay afartan ka tirsan Al-shabaab

Caydiid Ali

Ciidamo cusub oo loo diray Eritrea & doorashooyinka Somalia oo la dardar gelinayo

admin
Taboola Ads ---