Imaaraatka oo ogolaaday in dalkooda lagu imaan karo Baasaboorka Somaliland

Xiriirka u dhaxeeya maamulka Somaliland iyo Dowlada Imaaraatka ayaa soo wanaagsanaaday tan iyo waxii ka dambeeyay markii Shirkad dalkaasi laga leeyahay ay heshiis la gashay Somaliland lana wareegtay maamulka Dekadda Berbera.

Madaxweynaha Somaliland iyo Siyaasiyiin kale oo kasoo jeeda maamulkaasi ayaa dhawaan booqasho ku tagay dalka Imaaraatka Carabta , waxa ayna la kulmeen Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalkaasi iyo Xubno kale.

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland Feysal Cali Waraabe oo kamid ahaa wafdiga tagay Imaaraatka ayaa sheegay in dowladda Imaaraadka  ay ka oggolaatay in baasaboorka Somaliland ay ku tagaan dalkaas.

Waxa uu sheegay Feysal Waraabe in dowlada Imaaraatka Carabta aqoonsatay baasaboorkooda, waxa uuna intaa ku daray in Imaaraatka Somaliland kala shaqeeneyso sidii baasaboorka Somaliland loogu ogolaan lahaa dalal kale oo Khaliijka katirsan.

Feysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale sheegay in uu socdo qorshe lagu horumarinayo baasaboorka Somaliland, waxa uu tilmaamay in baasaboorka loo badalayo nuuca E-baasbort oo ah nuuca hada baasaboorada dunida u guureen.

Somaliland ayaa hada u muuqda mid ka faa’iideesanysa xiriirka aan wanaagsaneyn ee ka dhaxeeya Dowlada Imaaraartka iyo dowlada Federaalka, waxa ayna Somaliland Imaaraatka la gashay heshiisyo ay kula wareegayaan Dekadda iyo garoonka Diyaaradaha Berbera,

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -