Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Qaar ka mid ah raggii loo heystay kiiskii Caa’isha Ilyaas oo dil lagu xukumay

Maxkamadda darajada 1-aad ee Gobolka Nugaal ayaa xukun dil ah ku ridday raggii ku eedaysnaa kiiskii Caasho Ilyaas Aadan oo sanadkaan horraantiisii kufsi iyo dil loogu geeystay magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha maxkamadda Sheekh Cabdinuur ayaa ku dhawaaqay xukunka ka dib fadhi saaka ay yeelatay.

Ragga la xukumay ayaa kala ah: Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige, waxaana lagu xukumay dil toogasho ah oo ay fulinayso dowladda Punland.

Maxkamadda ayaa sidoo kale fasaxday toddobo nin oo kale oo kiiskaan ku eedeeysnaa, kuwaas oo ay danbi ku wayday.

Garsooraha Maxkamadda ayaa sidoo kele sheegay in ragga la xukumay ay haystaan bil ay racfaan kaga qaadan karaan xukunka ku dhacay.

Maxkamadaynta raggan ayaa dhowr jeer oo hore dib u dhacday ayadoo qareennaddii u doodayey ay codsadeen in waqti dheeri ah la siiyo.

Kiiska Caa’isha Ilyaas ee kufsiga iyo dilka loo gaystay ayaa caro weyn ka dhaliyey magaalada Galkacyo iyo guud ahaan deegaanada Puntland, iyadoo dhamaadkii bishii Febraayo ee sanadkan meydkeeda laga helay magaalada Galkacyo ka dib markii laga afduubay halkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Raisul Wasaare Scott Morrison oo qirtay arrin muddo badan lagu eedeynayey

Caydiid Ali

Waa kuma Mohamad Mokhber ninka bedelaya Madaxweynihii geeriyooday ee Iran?

Caydiid Ali

Hajabaadii Trump oo saameyn xun ku yeelatay dalalka BRICS

Cabdi Cade
Taboola Ads ---