Ra’isul Wasaare Rooble oo Fogaan arag kula shiray Guddi uu dhawaan Magacaabay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan magaalada London ee Caasimada dalka Ingiriiska ayaa  habka fogaan aragga kula
Shiray Guddiga Xaqiijinta Qoondada haweenka ee Goleyaasha Baarlamaanka Federaalka.
Rooble ayaa xubnaha guddigan kala hadlay sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadka shaqo ee loo igmaday iyo sidii ay uga miro dhalin lahaayeen ilaalinta qoondada haweenka ku leeyihiin labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka.
Ra’isul Wasaare Rooble ayaa kula dardaarmay xubnaha Guddiga Xaqiijinta Qoondada haweenka ee Goleyaasha Baarlamaanka inay si dhaw ula shaqeeyaan Guddiyada doorashada, Madaxda dowlad-goboleedyada & bulshada rayidka ah.
Guddiga Xaqiijinta Qoondada haweenka uu magacaabay Ra’isul Wasaare Rooble ayaa durba saluugay cabashana ka keenay liiska musharaxiinta Aqalka sare uu gudbiyay Madaxweynaha Jubbaland oo kaliya hal haween ku jirto halkii laga rabay labo haween.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -