Allbanaadir.com
NEWS

Weerar xoogan oo lagu qaaday Safaarada Fransa ku leedahay magaalada Ougadougou (Daawo Sawirro)

Dabley hubeesan ayaa weerar xoogan ku qaaday safaarada dowlada Faransiiska ku leedahay magaalada Ougadougou ee caasimada dalka Burkina Faso, waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro xoogan.

Wakaaladaha wararka ayaa tabinaya in dabley hubeysan oon la aqoon tiradooda gudaha u galeen dhismaha Safaarada Faransiiska ku leeyahay magaalada Ougadougou, waxaana wali lasoo sheegayaa in dhismaha uu dagaal ka socdo.

Ku dhawaad 20-qof ayaa ku dhintay weerarka lagu qaaday dhismaha Safaarada Faransiiska, waxaana dadka dhintay 8-kamid ah la sheegay in ay ka mid yihiin ciidamada Milatariga Burkina Faso oo safaarada usoo gurmaday.

Weerarkan ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 80-qof oo isugu jira ciidan iyo shacab, waxaana laga cabsi qabaa in khasaaraha inta hada la ogyahay in uu kasii bato.

Wasiirka amniga gudaha Dalka Burkina Faso Clement Sawadogo, ayaa xaqiijiyay in khasaaro badan uu ka dhashay weerarka safaarada, waxa uu sidoo kale Wasiirku sheegay in weerar ismiidaamin ah lagu qaaday xarun Milatari oo shir dhinaca amniga ah ka socday.

Dowlada Faransiiska ayaa si kulul u cambaareesay weerarka lagu qaaday safaarada ay ku leeyihiin dalka Burkina Faso, waxa ayna dowlada weerarkaasi ku tilmaantay mid argagaxiso oo lagu soo qaaday danaha faransiiska ka leeyahay dalka Burkina Faso.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha weerarkan kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

Smoke can be seen rising in the distance in central Ouagadougou, Burkina Faso, Friday March 2, 2018. Gunfire and explosions rocked Burkina Faso’s capital early Friday in what the police said was a suspected attack by Islamic extremists. By midday the gunfire became intermittent and helicopters flew above the French Embassy in Ouagadougou.(AP Photo/ Ludivine Laniepce)
Smoke rises in the background in Ouagadougou, Burkina Faso in this image taken from video Friday March 2, 2018. Gunfire and explosions rocked Burkina Faso’s capital early Friday in what the police said was a suspected attack by Islamic extremists. By midday the gunfire became intermittent and helicopters flew above the French Embassy in Ouagadougou.(AP Photo)

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faatima Cawaale Cusmaan oo shaacisay iney xilka iscasishay & Xog ku aadan sababta

Caydiid Ali

Maxay ka wada hadleen Guddoomiye Madoobe & danjire Alberto Vecchi? (Sawirro)

Caydiid Ali

Dagaal ka dhan ah Al-shabaab oo Lagu dhawaaqay & Laami cusub oo laga dhisayo Muqdisho !!

admin