Xukuumada Somalia oo markii ugu horeesay ka hadashay Mooshinka Madaxweyne Farmaajo

Xukuumada Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay ka aamusneyd mooshinka Xildhibaano ka katirsan golaha Shacabka Soomaaliya ka gudbiyeen Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, mooshinkan ayaana khilaaf ka dhax abuuray Madaxda sare ee dalka.

Ra’isul wasaare ku xigeenka Xukuumada Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo Wareysi siiyay Telefishinka dowlada ayaa xaaraan ku tilmaamay mooshinka laga gudbiyay Madaxweyne Farmaajo, waxa uuna xusay in mooshinka uusan sax aheyn lagana been abuurtay Xildhibaano aan ku jirin.

‘’ Hal xaaraan ah ma dhasho nirig xalaal ah, mooshinkan la qabtay markiisii horeyba sax ma aheyn waxaana laga been abuurtay Xildhibaano aan ku jirin kuwa saxiixay ,. Ayuu yiri Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya.

Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Gudoomiyaha golaha shacabka uu xaq u leeyahay in uu ka guuro Madaxtooyada, waxa uuna xusay in isagu la tahay sababta uu u guuray Mursal in ay tahay dayactir ku socda halkii uu degnaa.

Xukuumada Soomaaliya ayaa la safan Madaxweynaha Soomaaliya ee mooshinka laga gudbiyay, waxaa sidoo kale Madaxweynaha garab istaagay labada Gudoomiye kuxigeen ee golaha shacabka , halka Gudoomiyaha golaha shacabka isagu garab ka helayo kaliya Xildhibaandaa mooshinka saxiixay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -