Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Madaxweyne Deni oo dalka Dibadiisa u dhoofay Xili Shirka Dhuusomareeb 3- uu

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhaw safar shaqo ugu ambabaxay dalka aan walaalanaha nahay ee Jabuuti.
 
Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Mudane Ilyaas Cismaan Luga-toor, Wasiirka Ganacsiga Mudane Cabdullaahi Cabdi Xirsi iyo Lateliyayaal Madaxweyne.
 
Madaxweynaha Puntland ayaa la filayaa inta uu joogo dalka Jabuuti in uu kulamo gaar ah la yeesho masuuliyiin katirsan dowlada Jabuuti, waxa uu sidoo kale booqan doonaa xarumo kala duwan.
 
Safarka dalka Jabuuti ku aaday Madaxweynaha Puntland ayaa kusoo aadaya xili shirkii loo balan sanaa in magaalada Dhuusomareeb ku yeeshaan Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada kaliya ka harsan tahay mudo sadex maalin ah.
 
Shirka Dhuusomareeb ayaana u muuqda mid aan qabsoomi doonin xiligii horey loogu balamaya maadaama Guddiyadii ay soo magacaabeen Dowlada federaalka iyo maamul goboleedyada ee ka baaran agi lahaa doorashada aysan wali kulmin.

Related posts

Al Shabaab oo Weerar Khasaaro Xanuun badan geestay ku qaaday magaalada Baladweyne

Cabdi Cade

Nin Soomaali ah oo lagu dilay duleedka Magaalada Cape town (Magaciisa)

Caydiid Ali

Akhriso : Afar Shuruud oo dowlada Somalia ku xirtay in in xayiraada laga qaado Jaadka Kenya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---