Xukuumada Somalia oo kashiftay arrimo xasaasi ah (Xiriir dhexmaray Farmaajo & Muuse Biixi)

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dowladda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa faahfaahin ka bixiyay halka uu ku dambeeyo wadahadalka Somaliland iyo dowlada Somalia, isagoo dhinaca kale kashifay fursad uu sheegay iney Somaliland khasaarisay.

Dowladda Somalia ee uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo mudadii ay jirtay waxaa hakad ku jiray wadahadalladii siyaasadeed ee u dhaxeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Wadahadalka Somaliland iyo dowladda Soomaaliya wuxuu ka mid yahay qodobbada ugu waaweyn ee ahmiyadda u leh guud ahaan qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaanna wuxuu waajib ka saaran yahay aniga iyo mas’uuliyiinta kale ee kasoo jeeda Somaliland, wuxuuna joogitaankeennu macno ku fadhiyaa marka ay wadahadalladaas miro dhal noqdaan” ayuu yiri Mahdi Guled.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa dhanka kale sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ay xiriir toos ah lahaayeen.

“Markii Madaxweyne Farmaajo la doortay kadib waxaa jirtay doorasho ay ku mashquulsaneyd Soomaaliland. Annagu aragtideenna waxay ahayd in saddexda xisbi ee Kulmiye, Ucid iyo Waddani kii la doortaba in aannu la shaqeyno lana sii amba qaadno wadahadalladii horay u socday, markii dambena waxaa toos u wada xiriiri jiray madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Biixi, xiriirkooduna wuxuu wanaagsanaa ilaa laga soo billaabo bishii Maarso ee sannadkii 2018-kii”, ayuu yiri Mahdi.

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa shaaca ka qaaday in Somaliland ay khasaarisay fursad gacanteeda soo gashay oo aad qaali u aheyd.

“Dhawaan Somaliland waxay lumisay fursad dahabi ah oo ahayd in ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweyne Farmaajo ay rabeen in iyagoo wada socda inay ka dagaan Hargeysa, laakiin markii madaxweynaha Somaliland iyo maamulkiisa ay wada tashadeen ma aysan suurtoobin, ilaa haddana dhankeenna diyaar baan u nahay inaan mar walba tagno “, ayuu yiri Mahdi Guled.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -