Maraykanka oo digniin kama dambeys ah siiyey Turkiga & xiriirka labada dal oo meel adag maraya

Washington ayaa uga digtay xukuumadda Ankara inaysan suurtagal aheyn in gantaallada Ruushka ee S-400 ee tiknoolijiga ku shaqeeya iyo diyaaradaha Mareykanka uu soo saaro ee F-35 ee ay horay uga iibiyeen Turkiga aysan hal meel isla gali karin, sababo la xiriira khatar ku imaan karta nidaamka difaaca dalalka reer Galbeedka.

Mareykanka wuxuu sheegay inuu hakin doono heshiiska uu Turkiga uga iibinayo ilaa iyo 100 diyaaradood oo ah nuuca F-35 ee dagaalka, isla markaana uu kusoo rogi doono cunaqabateyn, haddii aysan ka baaqsan qorshaha ay Ruushka uga soo iibsanayaan gantaallada S-400.

Turkiga ayaa sheegay in aysan ka laaban doonin goā€™aanka ay Ruushka uga soo iibsanayaan gantaalka casriga ah ee S-400, xittii haddii uu Mareykanka kusoo rogo cuna-qabateyn.

Madaxweyne ku xigeenka Turkiga Fuat Oktay, ayaa maanta sheegay in aysan ka laaban doonin heshiiska ay Ruushka uga soo iibsanayaan gantaallada lidka diyaaradaha ee S-400, kuwaas oo lagu wado in Turkiga la geeyo ugu danbeyn bisha July.

Turkiga iyo Mareykanka oo ah laba waddan oo ka wada tirsan isbaheysiga NATO, ayaa sannadihi dhawaa uu xiriirkoodu sii xumaanayay, waxayna hadda aad ugu kala fogyihiin dagaallada Suuriya iyo xiisado kaleoo ka jira dalalka caalamka qaarkood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.comĀ 

- Advertisement -