Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Shirkii wada tashiga dowlada dhexe & Maamul goboleedyada oo maalintii labaad galay

Waxaa maalintii labaad ka socda Magaalada Garoowe shirka madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada ka jira dalka iyo Maamulka gobolka Banaadir.

Shirkan waxaa diirada lagu saarayaa xallinta khilaafka u dhexeeya madaxda dowladda Somalia  iyo kuwa Maamul goboleedyada, arrimaha ammaanka, dhaqaalaha, doorashooyinka dalka, dhameystirka dastuurka iyo qaybsiga khayraadka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajio ayaa shalay furay shirka, waxaana goobta ku sugnaa RW Xasan Cali Kheyre, Madaxweynayaasha Maamulada Puntland, Jubbaland, Koofur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir.

Waxaa la filayaa in shirka la soo gebagebeeyo maalinta beri ah, lagana soo saaro War-murtiyeed loo dhan yahay, iyadoo wararka qaar sheegayaan in laga yaabo shirka inuu qaato waqtin intaas ka badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Guddiga doorashada heer federaal oo beeniyey qoraalo lagu baahiyey baraha bulshada

Caydiid Ali

Puntland oo ka hor timid dalabkii Farmaajo, War cusubna ka soo saartay xubnaha xiran

Caydiid Ali

Golaha Wasiiradda oo maanta yeeshay kulan arrimo dhowr ah looga hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---