Norwey oo shuruud yaab leh ku xireysa deeqaha ay siiso dalal ay ku jirto Somalia

Dowlada Norwey ayaa sheegtay in deeqaha malaayiinta dollar ah ee ay sanad walba siiso dalalka soo koraya ay shuruud uga dhigeyso in dalalkaas dib loogu celiyo Qaxootiga ka soo jeeda ee codsigooda la diiday.

Sharcigan ayaa saameynaya Soomaaliya oo sanad walba deeq lacageed ka hesha Norwey, iyadoo la ogyahay iney dalkaas joogaan qaxooti Soomaali ah oo la diiday codsiyadooda magangelyo doonka ah, kuwaasoo Norwey ay raadineyso wado ay u marto iney dalkooda ku celiso.

Reisul Wasaaraha Norway Mss. Erna Solberg ayaa dhawaan soo dhistay xukuumad ay isku baheysteen xisbiyada midigta, ka dib heshiis siyaasadeed oo ay gaareen.

Qodob ka mid ah heshiiska ayaa dhigaya in Norway deeqaha ay bixiso ku badalato heshiis dib u celin, oo ay dalkoodii dib ugu celiso dadka diidmada ka heysta codsiyada magangalyada.

Jon. Helgheim oo ah afhayeenka arimaha soo galootiga ee xisbiga FRP ayaa sheegay in arintan ay aheyd wax xisbigiisu uu muddo ku taamayey.

Xisbiyada mucaaradka ayaa arintan dhaliilay, iyagoo dowlada ku eedeynaya in deeqda ay bixiso ee caalamiga ah ay rabto inay ku fushato dano siyaasadeed, hase ahaatee xisbiyada dowlada dhisay ayaa sheegaya inay tahay muhiim inay helaan wax ay ku badashaan malaayiinta dollar ee ay deeq ahaanta u bixiyaan sanad walba.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -