Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu horkacayo oo gaaray Garowe

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa goor dhaw gaaray caasimada Puntland ee Garowe, halkaasoo si diiran loogu dhaweeyey.

Wafdiga ballaaran ee uu hogaaminayey Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyay Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo golayaasha kala duwan ee Puntland.

Maalinta berito ayaa la filayaa inuu furmo shirka wadatashiga dowladda federaalka iyo dowladdaha xubnaha ka ah oo ay dowladda Puntland marti galisay, waxaana horey ugu sugnaa garoowe raisul Wasaaraha Somalia iyo madaxda maamul goboleedyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyihii Xabsiga dhexe ee Xamar oo shaqada laga joojiyey

Caydiid Ali

Dowlado ka tirsan Yurub oo xirxiray xubno lagu eedeeyey iney ka tirsan yihiin Xamaas

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo hoygiisa kala baxay Nabadoon caan ka ah Sh/dhexe, ka dibna dilay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---