Ku-xigeenka RW Somalia oo ka qeyb galaya Shirka Tana Forum (Daawo Sawirro)

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya  Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo gaaray magaalada Bahir Dar  ee Dalka Ethiopia, ayaa ka qayb galay madasha heerkeedu sarreeyo ee Tana oo looga hadlayo amniga qaaradda afrika.

Shirka Madasha Tanta oo soconaya maanta iyo berri ayaa ah madashii 8-aad waxaa kasoo qayb gelay madax ka socota wadamada qaaradda Afrika, madaxda urur gobaleedyada, bulshda rayidka ah, aqoon-yahanno iyo dhallinyaro waxaana si gaar ah kulanka looga hadlayaa isbedelka siyaasadda geeska Afrika iyo horumarka nabadeed ee soo if-baxaya.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo shirka ku metelaya madaxwaynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa khudbad ka jeediyay madasha oo ay furtay madaxwaynaha dowladda Federaalka Ethiopia, Sahle-Work Zewde.

Guddoomiyaha midawga Afrika, Moussa Faki Mahamat, iyo guddoomiyaha guddiga sare ee madasha Tana Forum, John Dramani Mahama, ayaa qayb ka ahaa madaxdii goob joogga ka ahaa furitaanka madada sideedaan ee Tano.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -