Allbanaadir.com
NEWS

Taliyihii Xabsiga dhexe ee Xamar oo shaqada laga joojiyey

Taliyaha Ciidanka Asluubta General Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa shaqada ka joojiyey taliyihii Xabsiga dhexe General Daahir Cabdulle Raage ka dib dhacdadii Xabsiga dhexe ee sababtay Dhimashada ku dhawaad 10 ruux.

Taliyaha ayaa xilkaas si KMG ah ugu magacaabay Sarkaalka lagu magacaabo General Maxamed Xuseen Axmed.

Sidoo kale, waxaa uu guddi u magacaabay baarista kiiskii Xabsiga dhexe iyo shaqaaqadii ka dhacday oo ay sabab u ahaayeen koox ka tirsan Al shabaab oo dil sugayaal ahaa kuwaasoo isku dayey iney ka baxsadaan xabsiga.

Dad badan ayaa weli isweydiinaya sida ay hubka ku heleen Xubnihii Al-Shabaab ee ka dhex dagaalamay Gudaha Xabsiga Dhexe oo mka koobnaa shan xubnood kuwaasoo dhamaantood ay laayeen ciidanka ilaalada xabsiga.

Related posts

Dood cilmiyeed lagu qabtay Machadka Diblomasiyadda & Tababarada

Caydiid Ali

Golaha SSC oo dowlada Somalia ka raalli geliyey eedeyn dhowaan ka soo yeertay

Caydiid Ali

Ciidanka DF oo weeraray Kontrol Al-Shabaab dhigatay Jidka Buur hakaba & Baydhabo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---