Dalkii ugu horeeyey oo ku dhawaaqay in maalinta Isniinta ah ay tahay 1-da bisha Ramadaan

Iyadoo dunida muslimka si weyn loogu diyaar garoobayo soo dhoweynta bisha barakeysan ee Ramadaan oo lagu wado iney bilato maalmaha soo socda ayaa Muslimiinta dalka Australia waxay ku dhawaaqeen inay maalinta 1-aad ee Bisha Ramadaan u tahay maalinta Isniinta ee soo socota oo ku beegan bisha 6-da bisha May.

Golaha Iimaamyadda ee dalka Autralia ayaa ku dhawaaqay in 6-da bisha May ay tahay maalintii ugu horreysay  bisha Ramadaan ee dalka Australia.

Qoraal ay soo saareen Golahan ayaa waxay ku sheegeen in go’aankan ay gaareen kadib, markii ay la-tashiyo la yeesheen Hoggaamiyaaasha Islaamka ee guud ahaan dalka Australia iyo Muftiga Guud ee dalkaasi Dr. Ibraahim Abu Maxamed.

Austarlia oo ay ku nool yihiin muslimiin fara badan ayaa noqonaya dalkii ugu horeeyey ee ku dhawaaqa in maalinta isniinta ah ay u tahay maalinta koowaad ee Ramadaan, waxaana sidoo kale dunida muslimka aad loo saadaalinayaa in isla maalintaas uu bilaaban doono Ramadaanka inkastoo ay ku xiran tahay aragtida bisha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -