War shalay ka soo baxay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka oo la beeniyey

Guddoomiyaha degmada Kurtunwaarey ee Gobolka Sh/Hoose Muxudiin Khaliif Caliyow ayaa beeniyay in degmadaasi lagu dilay xubno sare oo ka tirsan Al-shabaab, ka dib markii saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo la hadlay Idaacada Ciidamada qalabka sida ay sheegeen in howlgalka ay si wadajir ah ay u fuliyeen ciidamada xoogga dalka iyo ciidamo Mareynkan ah ayna ku dileen 12 dagaalyahan iyo Labo Sarkaal.

Sidoo kale ciidamada waxay ciidamadu sheegeen iney howlgalka ku dileen wiil uu dhalay Hogaamiyaha  Al-shabaab, iyadoo Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ay xuseen in magacyada xubnaha kale ee  lagu dilay howlgalkan oo magacyadooda ay ku sheegeen  Yuusuf Macalin Cabdalla iyo Maxamuud Maxamed Nuur(Faruur)

Ragga la dilay waxaa la socday oo isna la dilay  wiil uu dhalay  hogaamiyaha Al-shabaab Axmed diiriye Abuu Cubeyda kaasoo Magaciisa ay saraakiisha ciidanka xoogga dalka ay ku sheegeen Xasan Ahmed Diiriye Abuu Cubeyda.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ay soo gudbin doonaan xilalka ay hayeen raggan ka tirsan Al-shabaab.

Balse Gudoomiyaha degmada Kuntunwaarey ee Gobolka Sh/Hoose Muxudiin Khaliif Caliyow ayaa beeniyay arimahan, wuxuuna tilmaamay inuusan jirin wax howgal ah oo ka dhacay degaano ka tirsan gobolka Sh/Hoose, sidoo kalana uusan jiran Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo la dilay.

Muxudiin Khaliif Caliyow oo dibad joog ka ah degmada uu ku magacaaban yahay ayaa tilmaamay inuu wado qorshe uu degmada Kuntuwaarey kaga saarayo Al-shabaab si buu yiri shacabka looga dulqaado dhibaatooyinka ay ku hayaan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -