Cadaadiska Maraykanku ku hayo DF oo sii kordhaya (Akhriso qoraal cusub)

War-saxaafadeed

Dowladda Mareykanka waxay ugu baaqeysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya inay si deg deg ah shir u qabato dhammaan Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka.

Dastuurka ku meel gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa saldhig u ah mabda’a wadahadalka iyo iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubinta ka ah Federaalka; Qodobka 51 (3) wuxuu dhigayaa in Madaxweynayaashu kulmaan ugu yaraan hal jeer sanadkii.

Waxaan soo dhaweynaynaa hadaladii ka soo yeeray Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni, iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, iyo daneeyayaasha kale ee codsaday kulanka madaxda DF iyo kuwa dowlad goboeedyada ee looga hadlayo arrimaha doorashooyinka dalka.

Soomaaliya waxay wajahaysaa labadaba fursado taariikhi ah iyo caqabado waaweyn. Waxaan ugu yeeraynaa DF iyo hogaamiyaasha dowlad goboleedyada inay muujiyaan hogaan geesinimo leh iyagoo meel iska dhigaya kala duwanaashaha si loogu heshiiyo qaab waqtigeedii ku haboon, loo dhan yahay, oo hufan oo loogu talagalay doorashooyinka qaran; xallinta kala-qaybsanaanta siyaasadeed; u midoobaan la dagaallanka al-Shabaab; in dib loo eego Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an inay taageerto dadka Soomaaliyeed oo ay ka go’an tahay inay horumariso hadafyadayada iyo himilooyinkeena mustaqbalka Soomaaliya. Iyada oo loo marayo ballanqaad dib loo cusbooneysiiyay wada hadal nabadeed, waxaan ku kalsoonahay iskaashiga madaxda Soomaalida inuu sugi doono nabad, barwaaqo, iyo horumar dhammaan muwaadininta Soomaaliyeed.

-Dhammaad-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -