Khilaaf kale oo ka dhex qarxay Wasiirad Fardowso iyo Hey’adda Duulista Rayidka (Akhriso)

Gudoomiyaha Guddiga Maamulka Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa faray Maareeyaha Hey’adda Duulista Rayidka inuu joojiyo isku dayada lagu burburinayo jiritaanka Hey’adda iyo madax bannaanideeda, isla markaana lagu bedelayo shuruucda iyo qaab dhismeedka Hey’adda, kaddib markii Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Rayidka ay u magacawday nin lagu magacaabo Zakariye Ahmed Faarax Agaasimaha Maamulka Maaliyadda iyo Adeegyada Guud ee Hey’adda Duulista Rayidka.

Guddiga ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid ka hor imaaneysa shuruucda Hey’adda iyo qaab dhismeedkeeda in cid aan shaqo ku laheyn howlaha Hey’adda ay xil soo magacawdo.

Hey’adda Duulista Rayidka oo ah Hey’ad ka madax bannaan Wasaaradda oo xilalkeeda uu magacaabi karo Mareeyaha guud oo kaliya.

Wasiirada ayaa lagu eedeynayaa iney awoodeeda si u adeegsaneyso iyadoo arrintan ay ku soo beegantay xili uu isku casilay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada sababo la xiriira ku takri falka awoodeed ee wasiirada.

24kii saac ee la soo dhaafay ayaa waxaa garoonka dayuuradaha Aadan cadde ka taagnaa khilaaf iyo muran soo kala dhex galay Wasiirada Gaadiidka iyo Duulista hawada ee xukuumada Somalia, shirkad shidaalka shidaal siisa dayuuradaha iyo heyadda duulista rayidka, waxaana murankaas oo weli taagan uu sababay ini iscasilo Wasiir dowlihii Wasaaradda, isla markaana shidaal la’aan awgeed kici waayeen dayuurado garoonka taagnaa.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA HEYADDA DUULISTA IYO KAN WASIIRAD FARDWOSA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -