Xildhibaanada Aqalka Sare oo maanta yeelanaya fadhi looga doodayo qodobo xasaasi ah

Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa manta xaruntooda magaalada Muqdisho ku yeelanaya kalunkoodii ugu horeeyay, tan iyo markii la furay Kalfadhigii Saddexaad ee Baarlamaanka.

Kulanka waxaa looga hadlayaa ajendayaal ay ka mid yihiin Warbixinta guddoonka golaha aqalka Sare, dabagalka iyo ka tashiga weerarkii lagu qaaday Guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdid iyo ka doodista xeerka dhowrida gobanimada iyo Midnimada Geyiga Soomaaliyeed ee ka soo gudbey xildhibaanada Aqalka hoose.

Xildhibaanada baarlamanka Somalia aqalkiisa hoose ayaa shalay meel mariyay xeer dalka looga mamnuucay shirkadda DP-world ee maalgashiga ku sameysay dekeda Magaalada Berbera, sidoo kalena lagu laalay dhammaan heshiisyadii ay gashay.

Haddii maanta xildhibaanada aqalka sare u codeeyaan xeerkii Baarlamaanka Golaha Shacabka, waxa uu xeerkan u gudbi doonaa Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo intaasi ka dibna lagu soo saari doono faafinta rasmiga ah ee Jamhuuriyadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -