Mareykanka oo shaaciyay in ay dileen Cabdullaahi Jabiyow oo Hogaaminayay Weerarkii lagu dilay …

War kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in duqeyn diyaaradaha Mareykanka ka fuliyeen gobolada Jubooyinka ay ku dileen sargaal katirsanaa kooxda Al Shabaab.

Afhayeenka ciidamada Mareykanka ee Afrika ka howlgala Col, Chris Karns ayaa sheegay in duqeyn ku dileen sargaal katirsanaa Al Shabaab oo hogaaminayay weerar ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni oo lagu dilay askari katirsanaa ciidamada Mareykanka.

Waxa uu sheegay Afhayeenka in duqeyn ka dhacday 19kii Bishii hore ee April meel u dhow degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ku dileen Sarkaalka ka tirsanaa Shabaab oo lagu Magacaabayay Cabdullaahi Jabiyow  iyo  dagaalyahan kale.

Afhayeenka ayaa xusay in sargaalkan ay dileen uu hogaaminayay weerar hoobiyaal ah 8-dii Bishii June sanadkii 2018 lagu qaaday xero milatari oo kutaala  Baar Sanguuni, waxaana weerarkaasi ku dhintay askari Mareykan ah oo lagu magacaabayay Alexander Conrad.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ay ka fuliyaan deegaanada ay maamulaan Al Shabaab, waxaana Mareykanka marar badan shaaciyay in duqeymo ku dileen saraakiil iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -