Farmaajo iyo Kheyre oo soo jeediyay in Shaqadiisa dib loogu celiyo C/llaahi Xayir Ducaale

Wareegto kasoo baxday Wasiirkii hore ee Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo hada loo badalay Wasaarada Warfaafinta ayaa shaqadiisa u fasaxay Agaasimihii hore ee Wasaarada Ganacsiga.

Wasiir Maareeye wareegtada kasoo baxday oo ku taariikheysan 30-kii bisha April ayaa shaqadiisa loogu fasaxay Agaasimihii Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha C/llaahi Xayir Ducaale oo sanad kahor shaqo joojin loogu sameeyay.

Wareegtada ayuu ku sheegay Wasiir Maareeye in Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Kheyre ay soo jeediyeen in Agaasimaha dib loogu celiyo shaqadiisa kadib bilooyin uu shaqo joojin ku jiray.

Dad badan ayaa shaki galinaya in wareegtadan ay soo baxday 30-kii April, waxaana dadka qaar aaminsan yihiin in Wareegtadan la qoray shalay ama xalay markii Wasiir Maareeye la bedelay  taariikhdana mid hore laga dhigay.

Halkan ka Akhriso Wareegtada Agaasimaha dib shaqada loogu fasaxay

- Advertisement -