Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Trump oo eedeyn lala yaabay u jeediyey xeer Ilaaliyaha Maraykanka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku eedeeyay xeer ilaaliyaha guud Jeff Sessions iyo waaxda caddaaladda in ay dhaawacayaan fursaddii dib loogu soo dooran lahaa labo wakiil oo ka socda xisbiga jamhuuriga, maadaama ay dacwado ku soo oogeen.

Tallaabada raggaan loogu soo oogay dacwadaha waxay farahooda ka saareysaa guul fudud oo ay ka gaari lahaayeen doorashooyinka xilligga dhexe, ayuu Mr Trump ku soo qoray artiisa Twitter-ka.

Mid ka mid ah labada siyaasi ayaa lagu eedeynayaa ganacsi gudaha xafiiska ah halka kan kalena loo heysto eedeymo ku saabsan carqaladeynta shuruucda ololaha.

Qoraalkan cusub ee uu madaxweynaha ku shaaciyay Twitter-ka ayaa sare u sii qaadaya dhaleeceyn Mr Trump loogu jeedinayay inuu faragalin ku hayo howlaha waaxda caddaaladda Maraykanka.

Waxaa qeyrul caadi ah in madaxweyne xilka haya uu cambaareeyo xeer ilaalinta guud ama uu dood ka keeno dacwado la soo oogay xilliga doorashooyinka dhexe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Israel oo si Jees jees ah uga hadashay duqeynta lagu hoobtay ee Isbitaalka Gaza

Caydiid Ali

Shir Madaxeed looga hadlayo joojinta dagaalka Gaza oo ka furmay Qaahira (Sawirro)

Caydiid Ali

Badbaadada Falastiiniyiinta ma wuxuu ku xiranyahay in Xamaas la kala diro?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---