Daawo Sawirada: R/Wasaare Kheyre oo ka qeyb galay Munaasabad ka dhacday Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre oo maanta ka qayb galay munaasabadda xuska maalinta Shaqaalaha adduunka ee 1da May ayaa habmalyo u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed.

Khudbad uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ka jeediyay munaasabadda dabbaal degga oo Muqdisho lagu qabtay ayuu uga hadlay sida dawladdu ay muhiimad gaar ah u siiso xuquuqda shaqaalaha dawladda iyo dowrka shaqaaluhu ay ku leeyihiin horumarinta dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale hambalyeeyay ciidanka xoogga dalka oo maanta kooxda Shabaab kala wareegay deegaanka Bariirre ee gobalka Shabeellada Hoose.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in maadaama ay dowladdu ku guulaysatay in aan laga walwalin xuquuqda shaqaalaha in ay muhiim tahay in laga farako qorshayaal ballaaran oo ay kamid tahay in la sameeyo shaqo abuur ballaaran si loola dagaalo shaqa la’aanta baahsan, isaga oo shaqaalaha dawladda kula dardaarmay in ay qaybta uga aadan ka qaataan horumarinta iyo dadaallada dib u soo kabashada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -