Koonfur Galbeed oo kahor timid Jadwalka Dhaarinta Xildhibaanada labada Aqal

War saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda maamulka Koonfur Galbeed ayaa looga hor yimid Jadwalkii dhaarinta Xildhibaanada dooran ee labada Aqal ee kasoo baxay guddiga Doorashada.

Koonfur Galbeed ayaa si cad u sheegtay in jadwalka iyo qoraalka kasoo baxay guddiga doorashada uu yahay mid aan sharciga waafaqsaneyn, waxa ayna tilmaameen in guddiga doorashada iyo xafiiska Ra’isul Wasaaraha aysan kaalin ku laheyn u yeerida iyo dhaarinta Xildhibaanada dooran.

Halkan ka akhriso qoraalka Koonfur Galbeed kasoo baxay

JADWALKA ISU YEERISTA IYO DHAARINTA XILDHIBAANNADA LABADA AQALKA EE SOO BAXAY WAA TALLAABO SHARCI DARRO.

BAYDHABO, 16ka Maarso 2022: Dowladda Koonfur Galbeed waxay caddaynaysaa inaysan waxba kala socon jadwalka la faafiyay ee ku saabsan hannaanka loo marayo isu keenista, shahaado bixinta iyo dhaarinta xildhibaannada la doortay ee Labada Aqal ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sidaas darteedna warqadda soo baxday aysan ahayn mid dhaqangal ah.

Koonfur Galbeed waxay kaliya aqbalaysaa jadwal iyo qorshe ay ku heshiiyeen Madasha Wadatashiga Qaran kaasoo ku yimid wadatashi ay ka qeybqaateen dhammaan Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyntii, Dowladda Koonfur Galbeed waxay xaqiijinaysaa in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddiga Doorashooyinka Heer Federaalba wax kaalin ah oo sharci waafaqsan aysan ku lahayn u yeerista iyo qabanqaabada dhaarinta Xildhibaannada la doortay, waajibaadkaasna uu sharcigu siinaayo Barlamaanka 10aad sidii dhacday Barlamaankii 9aad oo ah doorashadii u dambaysay ee dalka ka qabsoomay 2016/2017.

DHAMMAAD

- Advertisement -