Madaxweyne Farmaajo oo shir caalami ah kaga qeyb galaya Magaalada..

Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa booqasho ku tagaya dhowaan dalalka Turkiga iyo Chinaha.

Safarka ugu horreeya ee Madaxweyne Farmaajo waxaa uu ku tagi doonaa dabayaaqada bishan dalka Turkiga, halkaasoo uu kaga sii gudbayo China.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad  ayaa warbaahinta gudaha u  xaqiijiyay socdaalka Madaxweyne Farmaajo ku tagayo labadan dal.

Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in booqaahada China ay la xiriirto casuumaad uu ka helay Dhiggiisa China Xi Jinping Taasoo ku wajahan ka qeybgalka shirka China iyo Afrika.

Shirka iskaashiga China iyo Afrika ayaa dalkaas ka dhacaya inta u dhaxeysa 3-da ilaa 4-ta Bisha September ee sanadkan, waxaana ka qeybgelaya Madaxda Afrika.

Shirkan waa mid sanadkiiba mar dhaca isla markaana lagu qabto dalka China ama dal ka mid ah qaaradda Afrika, kaasoo inta badan xoogga lagu saaro xiriirka China iyo Afrika iyo sidoo kale maalgashiga China ku sameyso  Qaaradda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -