Dowlada Somalia oo wada qorshe ay kaga hortageyso hubka Al Shabaab lasoo degaan

Wasaarada Amniga Xukuumada Soomaaliya ayaa shaacisay in dowlada wado qorshe ay ku dooneyso in looga hortago hubka kooxaha Al Shabaab iyo Daacish kala soo degaan xeebaha Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda amniga Soomaaliya C/naasir Siciid, ayaa sheegay in dowlada ay wado qorshe balaaran oo looga hortagayo dekaddaha ay hubka kala soo degaan Al Shabaab iyo Daacish.

Waxa uu sheegay Wasiirka in dowlada Soomaaliya ay dhiseyso ciidamada badda oo tayeysan si ay u ilaaliyaan biyaha Soomaaliya uga hortagaan in Al Shabaab hub kala soo degto dekadaha Soomaaliya .

” Kadib markii aan aragnay in kooxahan hub kala soo degayaan deegaanada ay maamulaan, waxaan is tusnay in la dhiso ciidanka badda oo xoog leh si ay uga hortagaan  in xeebaha Somalia laga soo dejiyo hub sharci daro ah” Ayuu yiri C/nasir Sicid

Al Shabaab ayaa la sheegay in ay hub kala soo degto deegaanada ay maamusho, waxaana inta badan hubkan Al Shabaab kala timaadaa sida ay sheegeen saraakiil ciidan dhinaca dalka Yaman ay dagaalo ka socdaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -