Kumanaan qof oo Salaada Jimcaha ku dukaday Afaafka hore ee Saldhiga ugu weyn Milatariga Sudan (Daawo Sawirada)

Kumanaan qof oo kamid ahaa dibad baxayaasha dalka Sudan ayaa maanta salaada jimcaha ku hor dukaday afaafka hore ee Saldhiga ugu weyn Milatariga dalka Sudan oo kuyaala magaalada Khartuum.

Banaan baxayaashan ayaa wali codsanaya in Milatariga xukunka Sudan la wareegay in ay xukunka ku wareejiyaan dowlad rayid ah, waxa ayna dadkan sheegayaan in aysan wax badan kala duwaneyn xukunkan iyo kii la riday.

Dadka banaan baxa dhigaya ayaa wali hor jooga Saldhiga ugu weyn Milatariga Sudan, waxa ayna ka codsadeen Golaha milatariga Sudan in xilka si deg deg ah ugu wareejiyaan dowlad rayid ah oo ay dadku raali ka yihiin.

Golaha Milatariga dalka Sudan ayaa ka codsaday dibad baxayaasha in ay guryahooda dib ugu laabteen, waxa ayna golaha balan qaadeen in si nabad galyo ah talada dalka ugu wareejin doonaan dowlad rayid ah.

Dalka Sudan ayaa wali waxaa ka socda banaan baxyada lagu doonayo in isbedel dalkaasi ka dhaco, waxa ayna banaan baxayaasha sabab horey ugu noqdeen in xukunka laga tuuro Madaxweynihii hore ee Sudan Cumar Xasan Al Bashiir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -