Prof. Geeddi: “Siyaasiyiinta dalkan soo hogaamiyey waa iney hoos u dhigaan Xasarada”

Ra’isul Wasaarihii hore ee dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya Cali Max’ed Geeddi ayaa ka hadlay xiisada siyaasadeed ee ka dhex aloosan dowlada Somalia iyo madaxdii hore ee dalka.

Geeddi ayaa si weyn u dhaliilay hadalo colaad hurin ah oo ka soo yeeray Mas’uuliyiin dalka soo hoggaamisay wuxuuna xusay in ereyada ay isticmaaleen ay qalbi jab iyo niyad xumo ku yihiin shacabka Soomaaliyeed.

“Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ee dalkan soo hoggaamisay waqtiyo kala duwan waa inay yareeyaan xasaradaha iyo dhibaatooyinka shacabka dhibsanayaan oo u keeni kara niyad jab, mas’uuliyadda waa la wadaagaa, erayo aan munaasib aheyn baa ka soo baxay afafka siyaasiyiin saaxibo ah, walaalo ah oo aan looga baahneyn inay sidaas u dhaqmaan” ayuu yiri Cali Maxamed Geeddi.

Madaxda dowladda Federaalka ayuu dhinacooda ugu baaqay inay xumeyso madaxdii hore ee dalka, isla markaana dhowrto mansabka ay leeyihiin si iyana loo xurmeeyo marka ay xilka ka degaan.

“Hogaanka dowladda Soomaaliya waxaa laga rabaa inay madaxdii ka horeeyay soo dhoweeyaan, inay mansabka ay leeyihiin ee qaranka shaarkiisa horay u soo howdeen inay ku dhowraan ayaa, maadaama aanay boqoortooyo aheyn oo berri xukunka ka degi karaan una baahan karaan in iyagana la xormeeyo” ayuu yiri Cali Maxamed Geeddi.

Sidoo kale waxaa uu ka digay in siyaasada loo bedelo colaad iyo dagaal uu sheegay in horey loo soo arkay, isagoo ku baaqay in cashar laga qaato dhibaatooyinkii dalka soo maray sanadihii burburka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -