Kooxda Al Shabaab oo qabsatay magaalo muhiim ah oo kutaala dalka Muzambiik

Waqooyiga dalka Muzambiik qeybo kamid ah waxaa ka socda dagaalo u dhaxeeya ciidamada dowlada iyo dagaalyahano la baxay magaca  Al Shabaab oo xiriir la leh kooxda Khilaafada Islaamka ee Daacish.

Dagaalyahanada kooxda Al Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday magaalada Palma oo kutaala Waqooyiga Muzambik, waxaana kooxdan la sheegay in dagaal kula wareegeen qeybo kamid ah magaaladaasi oo ah mid muhiimad gaar ah leh.

Bayaan kasoo baxay kooxda Khilaafada Islaamka ee Daacish ayaa lagu sheegay in dagaalyahanooda qabsadeen magaalada muhiimka ah ee Palma, waxa ayna kooxda sheegtay in ay sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada dowlada.

Dad ku dhaw 100-kun oo qof oo degnaa magaalada Palma oo katirsan gobolka Cabo Delgado ayaa halkaasi isaga qaxay, kadib markii ay magaalada weerar kusoo qaadeen kooxda Al Shabaab.

Kooxda Al Shabaab ee ka dagaalanta qeybo kamid ah dalka Muzambik ayaa u muuqata mid awoodeeda ay sii kordheyso, kooxdan ayaana wadata magaca kooxda Al Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya inkastoo la sheegay in labada koox aysan xiriir ka dhaxeyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -