Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ciyaar yahan geeriyooday xili uu ciyaar toos ah dheelayay iyo Murugo ka dhalatay

Ciyaaryahan Papy Faty oo ah ciyaaryahan u dhashay dalka Burundi ayaa geeriyooday xili uu kooxdiisa u ciyaarayay kulan ay la lahaayeen koox kale oo lagu magacaabo Green Mamba.

Papy Faty oo ah 28-sano jir ayaa dhulka ku dhacay xili ay ciyaarta socotay 15-daqiiqo, waxaana ciyaaryahankan loo maleenayaa in wadno xanuun uu kusoo booday xili uu ciyaarta qeyb ka ahaa.

Ciyaaryahanka ayaa la xaqiijiyay in uu geeriyooday kadib markii isbitaal loola cararay, waxaana durbo murugo laga dareemay garoonkii ay ciyaarta ka socotay, waxaana geeridan ka naxay ciyaartoyda iyo taageerayaasha uu katirsanaa ciyaaryahanka geeriyooday.

Ciyaartoy badan ayaa geeriyooday xili ay ciyaar toos ah ka qeyb qaadanayeen, waxaana qaar kamid ah ciyaartoyda la sheegay in ay u geeriyoodeen wadno xanuun kusoo booday iyo xanuuno kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Taiwan oo Xafiis diblomaasi oo rasmi ah oo ka furatay Somaliland

Caydiid Ali

Xildhibaano badan oo maanta qaatay shahaadada Xildhibaanimo (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

Qorshe talaalka COVID-19 loogu qeybinayo deg. Muqdisho oo la soo bandhigay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---