Booliiska Sri Lanka oo raali galin ka bixiyay Sawir ay si khaldan u adeegsadeen

Booliiska dalka Sri Lanka ayaa raali galin deg deg ah bixiyay, kadib markii ay saakay si khaldan u adeegsadeen Sawirka haweeney Muslim ah oo asal ahaan dalkaasi kasoo jeeda balse heesata dhalashada dalka Mareykanka.

Amara Majeed ayaa saakay sawirkeeda kasoo muuqday dad lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen qaraxyadii dadka badan ku dhinteen ee axadii ka dhacay magaalooyin kuyaala dalka Sri Lanka.

Sawir uu ka muuqdo wajiga Amara Majeed ayey saraakiisha booliiska dalka Sri Lanka shaaciyeen, iyagoo ku tilmaamay inay ka mid tahay dadka ka dambeeyay qaraxadii dhiigga badan lagu daadiyay.

Magaca sawirka lagu qoray wuxuu ahaa Abdul Cader Fathima Khadiya, balse wajiga muuqday waa Amara oo ku dhalatay magaalada Baltimore ee dalka Mareykanka, waalidiinteedana ay ka soo jeedaan Sri Lanka.

Amara Majeed ayaa sheegtay in argagax iyo layaab ku noqday kadib markii sawirkeeda ku aragtay dadka lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen qaraxyadii Sri Lanka, waxa ayna gabadhan sheegtay in dowlada Sri Lanka ku been abuuratay.

“Saaka waxay dowladda Sri Lanka si been abuur ah iigu tilmaamtay inaan ka mid ahay xubnihii kooxda ISIS ee weerarrada ka fuliyay Sri Lanka. Waa arrin la yaab leh oo subax lagu soo kaco”,ayey Amara kusoo qortay boga Twitterka ku leedahay.

Qaraxyadii axadii ruxay dalka Sri Lanka laguna weeraray Hoteeiyo iyo Kaniisado ayaa waxaa ku dhintay dad ku dhaw 300-qof , waxaana weerarkaasi masuulkiyadiisa sheegatay kooxda Khilaafada Islaamka ee Daacish.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -