Shirkadda Hormuud Telecom oo soo bandhigtay Deeq waxbarasho (Daawo Sawirada)

Shirkadda Isgarsiinta ee Hormuud Telecom ayaa maanta kusoo bandhigtay Magaalada Muqdisho Deeqo Deeq waxbarasho oo ay ka faa’iideyan doonaan ardayada Soomaaliyeed ee dhammeysa dugsiyada sare ee dalka.

Ujeedka Barnaamijkan deeqda waxbarasho ee Hormuud Telecom ayaa ah in Hormuud telecom kaqaybqaadato kor u qaadidda iyo kobcinta aqoonta ardaya Soomaaliyeed ee dhammeysta dugsiyada sare, deeqda waxbarasho ee ay soo bandhigay Hormuud ayaa ah heer jaamacadeed iyada oo guud ahaan ardayda dhammeysa dugsiyada sare ay kaqaybgeli karaan islamarkaana heli karaan deeqadan waxbarasho, ardayada buuxisa shuruudaha ku xiran helidda deeqadan ayaa ah kuwa sida buuxda uga faa’iideysan doona deeqda waxbarasho

Madaxa Hey’adda Hormuud Telecom Foundation oo shirkadda Hormuud u qaabilsan Gargaarka Banii Aadanimada Cabdullaahi Nuur Cismaan ayaa sheegay in 120 Arday oo heerka 1aad ee jaamacadda ah ay heli doono Deeq wax barasho Sanadkasta, wuxuuna sharraxay habka loo qaadanayo ardayda ka faa’iideysaneysa deeqaha waxbarahso ee Hormuud, waxa uuna sheegay in imtixaan lagu gelayo 11 maaddo, kaas oo ay ka qaybgelayaan labada boqol ee arday ee ugu sarreysa imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare iyada oo dufcadda ugu horreysana laga qaadan doono tiradaas labada boqol ah.

Soo bandhigga Barnaamijkan deeqda waxbarasho  ee  Hormuud waxaa kaqaybgalay Wasiiro, Xildhibano, agaasimayaal, gobolka Banaadir, culimo, ganacsato, ururada bulshada iyo marti  badan oo kaladuwan

Basma Caamir guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Banaadir oo ka hadashay munaasabadda ayaa sheegtay in ay Barnaamijka deeqada waxbarasho ee Hormuud uu yahay mid muhiimad gaar ahaaneed u leh dadka Soomaaliyeed ayna gobol ahaan dhiirrigelinayaan shaqada iyo howlgalka Hormuud, waxa ay sheegtay u soo jeedisay Hormuud  in ardayada aan helin waxbarashada heerka jaamacadda ee kaqalin jebisay dugsiyada sare xilli hore ay muhiimad gaar ahaaneed siiso ardaydaas.

Jawaahir Baarqab oo kuhadashay magaca haweenka gobolka Banaadir ayaa sheegtay in ay haween ahaan aad ugu faraxsan tahay kaalinta horumarinta waxbarashada iyo soo bandhigidda Barnaamijka deeqada waxbarasho oo ay sheegtay in ay door muhiim ah ka qaadan doonto dhiirrigelinta waxbarashada dugsiga illaa jaamacadda.

Guddoomiyaha shirkadda Hormuud Cabdikariin Kaariye  ayaa sheegay in barnaamijkan deeqda waxabrasho uu qayb ka yahay barnaamijyada lagu taakuleynayo laguna taageeryo dadka iyo dalka Soomaaliyeed, isaga oo kahadlayey dhinaca dumarka ayuu sheegay in dhammaan xarumaha waaweyn ee Hormuud ay dumarku ka shaqeeyaan isaga oo xusay in 158 qof oo ah shaqaale ka geeriyooday ama ka duqoobay Hormuud  kuwaas oo lagu beddelay  dad ay keensadeed qoyskoodu ay 42 kamid ah ay yihiin dumar.

Cabdikariin Kaariye Guddoomiyaha shirkadda Hormuud ayaa kasheegay munaasabadda in tayeynta iyo hagaajinta jaamacaduhu ay dabooli karto baahida guud ee dhinaca waxbarashada kahaysata guud ahaan dalka

Eng: Cabdi Cashuur Xasan wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo teknoolajiyadda ayaa sheegay in Hormuud Telecom ay kadhabeysay magaca ay sidato ee Isgaarsiineed isaga oo weydiistay Hormuud in dhallinyaro badan oo halabuur iyo waxbarasho fiican leh ay la’yihiin meel ay kusoo bandhigaan hal-abuurkooda sidaas awgeedna ay u baahan yihiin dhismaha meel ay kusoo bandhigaan hal-abuurkeeda, isaga oo kudhiirrigeliyo shirkadaha kale in Hormuud tusaale u noqoto si iyaguna ay kaalintooda u qaataan.

Soo bandhigidda iyo hirgelinta ololayaal nuucaan ah ayaa kaalin libaax ka qaadan kara sidii ay kumanaan arday oo Soomaali ah oo dhammeeyey dugsiga sare balse awoodi waayey qarashka jaamacadda ay ku heli lahaayeen fursad ay ugu biiraan Jaamacadaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -