Xaalad adag oo soo wajahday Muslimiinta tirada yar ee ku nool dalka Sri-lanka

Iyadoo dalka Sri-lanka ay dhowaan ka dhaceen weeraro argagixiso ah oo boqolaal qof lagu dilay ayaa waxay xaalad adag soo wajahday  muslimiinta laga tirada badan yahay ee ku nool dalkaas oo la kulmay weeraro aargoosi ah oo lagula kacay.

Kulan ay soo abaabuleen hoggaamiyaasha diimaha dalkaas oo looga hadlay sidii loo heli lahaa midnimo guud iyo xasilooni lagu soo dabbaalo dalkaasi ayaa lagu qabtay Colombo.

Waxaa ka qeyb galay safiirro ka kala socda  dalalka muslimka ah, hoggaamiyaasha diimaha dalka Sri-lanka iyo hogaamiyaha Kaniisadda  Katooliga, waxaana lagu  baaqay in la muujiyo deganaan,isla markaana lala yimaado iscafin iyo wax wada qabsi.

Boqolaal muslimiin ah ayaa ka cararay degaanka  Negombo oo dhaca xeebaha galbeed ee dalkaasi, halkaasoo qaar ka mid ah weerarada aargoosiga ah ay ka dhaceen .

Maalinimadii Axadda ee la soo dhaafay waxaa qaraxyo argagixiso ah lala beegsaday Hotello iyo Kaniisado ku yaalla dalka Sri Lanka , waxaana ku dhintay in ka badan 300 boqol oo ruux, waxaana weeraradaasi sheegtay kooxda daacish.

Dowladda ayaa qiratay inay ka gaabiyeen howshii loo igmaday, waxaana Madaxweynaha dalkaasi uu soo saaray wareegto uu ku dalbanaayo inay iscasilaan  taliyeyaasha ciidamada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -