Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa ka jira inuu xumaaday xiriirka Somalia & Masar?

Somalia ayaa maanta  sheegtay in xiriirka u dhexeeya iyada iyo Masar uu yahay mid xooggan oo soo jireen ah, isla markaana aanay jirin wax khilaaf ah oo ku  dhex jira, iyadoo beenisay wararka sheegaya in la hakiyey heshiiska iskaashiga militari ee ay la galeen Masar.

Safiirka Soomaaliya ee Qaahira Cali Cabdi Awaare  ayaa maanta bayaan uu soo saaray  ku tilmaamay  warar aan sal iyo raad toona lahayn warbixin saxaafadeed oo sheegayay in xiriirka Soomaaliya iyo Masar uu yahay mid khilaaf ka dhex jiro, isla markaana la joojiyey heshiiska iskaashiga militari ee labada dal kala saxiixdeen bishii Agoosto 2024  ay yihiin

Safiir Awaare ayaa xaqiijiyey in Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga kala dhexeeya Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, iyo kordhinta heerka wadashaqaynta labada dal  marxaladaha  soo socoda.

Safiirka Soomaaliya ee Qaahira ahna wakiilka joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Jaamacadda Carabta ayaa ugu baaqay warbaahinta in ay ka digtoonaadaan faafinta wararka aan la hubin ee dhaawici kara xiriirka walaalnimo ee dalalka caalamka.

Related posts

Mareykanka oo war ka soo saaray duqeyn ka dhacday Sh/dhexe

Cabdi Cade

Maxkamada ciidamada oo Xukun ku riday rag katirsanaa Al Shabaab (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Musharax Cali Ciid oo kusii jeeda Dhuusomareeb iyo diyaar garow lagu soo dhaweenayo oo Socda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---