Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Kenya oo toogasho lagu dilay

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalka Kenya ayaa la sheegay in toogasho lagu dilay magaalada Nairobi

Charles Ong’ondo ayaa ka baxay xarunta baarlamaanka wax yar ka hor inta aan la weerarin isagoo ku dhex jira baabuurkiisa waddo mashquul badan oo ku taal Nairobi.

Booliiska ayaa sheegay in gaariga xildhibaan Charles Ong’ondo ay eryadeen labo nin oo watay mooto – mid ka mid ah ayaa istaagay oo dhowr xabadood ku dhuftay.

Darawalkiisii ​​ayaa ka badbaaday weerarka Xildhibaanka ayaa ka tirsanaa xisbiga siyaasiga ruug cadaaga ah ee Raila Odinga.

Booliska ayaa wali wada baaritaanka kiiskan, iyadoo aan wali gacanta lagu dhigin kooxihii falkaasi ka dambeeyay, si rasmi ahna looma oga sababta dilkaasi ka dambeysay

Related posts

DEG DEG: Qarax weyn oo ka dhacay afaafka hore ee Madaxtooyada Beledweyne

Caydiid Ali

Shiikh Aadan Madoobe oo khudbad ka jeediyey Shirka Baarlamanada Afrika (Sawirro)

Caydiid Ali

Faarax Xaashi oo magaalada Dubai ugu xanniban 46 Kun Dollar oo ganaax ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---