Sirdoonka Itoobiya oo qabqabtay xubno ka tirsan kooxaha Daacish & Al-Shabaab

Itoobiya ayaa shaacisay iney gacanta ku dhigtay tiro ka mid ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ee ka dagaalama Somalia kuwaasoo ay sheegtay iney qorsheynayeen weerarro ay ka geystaan qeybo ka mid ah dalkaas.

Xubnaha la qabqabtay qaarkood ayaa la sheegay iney xogo ururinayeen halka kuwo kalena ay sawirro ka qaadayeen goobo la qorsheynayey in la weeraro sida ay baahisay Warbaahinta Dowladda ee FANA.

Meelaha ay beegsanayeen waxaa ka mid ah Hoteellada, goobaha cibaadada, meelaha dadka ku badan yihiin iyo meelo kale oo dhamaan ka wada tirsan magaalada Addis ababa.

Hay’adda Sirdoonka Itoobiya ee NISS ayaa sheegtay in laamaha amniga ee Itoobiya iyo Jabuuti ay iska kaashanayaan sidii loo qaban lahaa Maxamed Cabdullahi oo ah hoggaamiyaha kooxda qaarkood la qabtay.

Goobaha laga qabtay ayaa waxaa ka mid ah caasimadda Addis ababa, Gobolka Oromada, iyo Gobolka Soomaalida.

Kooxda Daacish oo saldhig ka sameysatay buuraha Galgala ee gobolka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa sheegay bishii hore inuu u wareegayo dalka Itoobiya halkaasoo bay yiraahdeen ay ka jirto deganaansho la’aan ka dhalatay qowmiyadaha isdiiddan ee dalkaas ku wada nool.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -