Allbanaadir.com
NEWS

Raisul Wasaare Xamse Barre oo hambalyo & bogaadin u diray..

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan Shaqaalaha Soomaaliyeed munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay doorka muhiimka ah ee ay Shaqaaluhu ku leeyihiin dib-u-dhiska, horumarka iyo xasillinta dalka, isaga oo caddeeyey in Xukuumadda DanQaran, ay ka go’an tahay ilaalinta xuquuqda Shaqaalaha, kor u qaadista xirfadooda, iyo horumarinta shaqooyinka ay u hayaan bulshada.

“Maalintan waxa ay fursad u tahay in aynu xasuusanno dadaalka iyo halganka ay Shaqaalaha Soomaaliyeed ugu jiraan horumarinta dalka. Xukuumaddu waxa ay sii wadi doontaa dadaallada lagu xoojinayo fursadaha shaqo, iyada oo kor loo qaadayo xirfadaha shaqaalaha, lana dardar-gelinayo nidaamyada lagu tayeynayo Shaqaalaha”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mudane Xamsa, ayaa ku dhiirrigeliyey Shaqaalaha Soomaaliyeed in ay sii laba-jibaaraan juhdigooda, uguna adeeggaan shacabka Soomaaliyeed si hufan, si ay uga dhabeeyaan dadaalka shaqo ee ay u hayaan dalkooda iyo dadkooda.

Related posts

Madaxweyne Xassan Shiikh oo mar kale ku wajahan degaanada Puntland (Sababta)

Caydiid Ali

Xasan Sheekh oo ka hadlay dadkii xalay lagu laayay Koonfurta magaalada Gaalkacyo

Cabdi Cade

Beesha Caalamka oo war kasoo saartay qaladaadka doorashada Baaqna u dirtay Madaxda dalka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---