Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Shir Feerfeer uga furmay Hirshabelle & Dowlad degaanka Soomaalida (Sawirro)

Waxaa ka furmay degmada feer feer ee Gobolka Shabeelle kulan u dhaxeeya Dowlad Deegaanka Soomaalida iyo Dowlad Goboleedka Hir-shabeelle ee Soomaaliya.

Furitaanka Shirkan ayaa ka danbeeyay kadib markii DDS casuumaad u fidisay wafti ka socda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle oo maanta soo gaaray degmada feer feer uuna horkacayay Madaxweyne kuxigeenka Hir-shabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed)

Kulankan oo ahaa furitaan kana soo qayb galeen Hogaanka Nabad-galyada DDS iyo Madaxweyne kuxigeenka Hir-shabeelle iyo xubna kale.

Hogaanka xafiiska Nabad-galyada DDS oo kulan kaas ka hadlay ayaa sheegay in kulanka ilaa maalinta bari ah socon doono kana wada hadli doonaan Amniga xuduuda labada Deegaan wadaagaan iyo iskaashiga labada Deegaan.

Dowlada Deegaanka Soomaalida ayaa xuduud dheer la wadaagta maamulada Soomaaliya sida, Puntland, Galmudug, Hir-shabeelle, Koonfur-galbeed Soomaliya iyo Somaliland.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii Wafdi ka socda Maamulka Galmudug ay Magaalada Wardheer ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya heshiis ku kala saxiixdeen, kaasoo la xiriira iskaashiga dhinacyada amaanka xuduuda iyo isku socodka ganacsiga iyo dadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Natiijada baaritaanka Shilkii uu ku lug lahaa wiilka Xassan Shiikh oo la soo saaray

Caydiid Ali

Maxay Al-Shabaab ka tiri weerarkii Madaafiicda ahaa ee ka dhacay xarunta Xalane?

Caydiid Ali

Nin dil aad looga naxay u geestay Sheekhii wax soo baray iyo booliiska oo raadinaya dilaaga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---