Banaan bax looga soo horjeeday Go’aankii R/W Kheyre oo maanta la dhigay (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta magaalada Cadaado ee xarunta Baarlamaanka Galmudug ka dhacay banaan bax looga soo horjeeday go’aankii Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ku shaaciyay in Dhuuso Mareeb marti galineyso Doorashada Galmudug.

Bulshada magaalada Cadaado oo banaan baxa isugu soo baxay ayaa ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah go’aanka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, waxa ayna cadaalad daro ku tilmaameen in Dhuuso Mareeb lagu qabto doorashada Galmudug.

Qaar kamid ah dadkii ka hadlay banaan baxa ayaa sheegay in ay kasoo horjeedaan go’aanka Ra’isul Wasaaraha ku shaaciyay in Dhuuso Mareeb taalo gogosha dib u heshiisiinta iyo doorashada Galmudug.

Banaan baxan ayaa imaanaya maalin kadib markii odayaasha dhaqanka magaalada Cadaado sheegeen in ay iyana kasoo horjeedaan in doorashada ka dhacdo Dhuuso Mareeb waxa ayna cadeeyeen in aysan ka qeyb gali doonin.

 

- Advertisement -