Dowladaha Somalia & Norwey oo War-Saxaafadeed wadajir ah soo saaray (Daawo Sawirro)

Mas’uuliyiin ka kala socda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Norway ayaa wada hadallo laba geesood oo miradhal ah yeeshay maanta, oo diiradda lagu saarray wax wadaag joogta noqonaya, saaxiibtinimada iyo iyo ka guul keenidda dano is dhaafsiga. Norway waxa ay gacan ka geysanaysaa qorshaha horumarinta qaranka ee Soomaaliya iyo tubaha Xukuumadda ee kobcinta dhaqaallaha, siyaasadda loo dhanyahay iyo horumarinta adeegyada bulshada, ammaanka iyo garsoorka.

Labada dhinac ayaa waxa ay markale caddeeyeen sida ay uga dhab tahay qoto dheereynta xiriirka laba geesoodka, iyada oo loo marayo wax wadaag istiraatiijiyadeed oo xooggan, taasi oo lagu xoojinayo xiriirka shaqo iyo baahida loo qabo dardargelinta dadaallada hore loogu dhaqaajinayo danaha labada shacab.

Wafdiga Soomaaliya waxaa hoggaaminayay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi oo ay ku wehliyeen mas’uuliyiin kale oo ka kala socday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta iyo Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka.

Dhanka Wafdiga Dowladda Norway waxaa hoggaaminaysay Agaasimaha Guud ee Arrimaha Gobolka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway Marwo Tine Mørch Smith oo ay ku wehliyeen Safiiradda Norway ee Soomaaliya Marwo Elin Bergithe Rognlie iyo saraakiil sar sare oo ka kala tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway iyo Safaaradda Norway ee Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -